Sheekooyinkii ugu wanaagsanaa أحسن القصص waxaan u qoray Soomaalida jecel sheekooyinka Islaamiga ah, rabana inay u sii gudbiyaan caruurtooda.
-
Naxwaha carabiga oo kooban waxaan ka turjumay kitaabka la yiraahdo "Xeerarka afka carabiga oo kooban" الموجز في قواعد اللغة العربية ee uu qoray Siciid Maxamed Axmed oo loo yaqaan "Siciid Al-Afgaani". Mana wada turjumin naxwahaasi ee waan soo koobay.
Qaamuuska soomaali carabi oo kooban waxaan u qoray Soomaalida jecel iney bartaan afka Qur’aanka kariimka.
Qaamuuska carabiga waxaan ka turjumay qaamuuska la yiraahdo "Sixaaxii oo la soo koobay" مختار الصحاح ee uu qorey Maxamed Abuubakar Cabdulqaadir oo loo yaqaan "Ar-raazi". Mana wada turjumin qaamuuskaasi ee waan soo koobay.
Qaamuuska soomaali carabi oo kooban waxaan u qoray Soomaalida jecel iney bartaan afka Qur’aanka kariimka.